Home Ciyaaraha Blaugrana Oo Maraysa Tijaabadii Ugu Horaysay Ee La Liga. – Banaadirsom

Blaugrana Oo Maraysa Tijaabadii Ugu Horaysay Ee La Liga. – Banaadirsom

Kooxda Barcelona ayaa mari doonta tijaabadii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka La Liga iyaga oo marti u noqon doona kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan todobaadkii 2-aad ee xilli ciyaareedka.

Barcelona ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka La Liga iyaga oo garaacay kooxda Real Sociedad kulankii ugu horeeyay ee ay ciyaareen la’aanta kabtankeedii hore ee Lionel Messi.

Dhanka kale Athletic Bilbao ayaa bar-baro ku bilaabatay xilli ciyaareedka La Liga iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka.

Kulanka: Athletic Bilbao Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: San Mames

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa badisay 12 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Athletic Bilbao Horyaalka La Liga iyaga oo waliba xidhiidh u badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay dhanka kalena shabaqa ilaashaday 9 ka mid ah 15-kaas kulan.

Kadib markii ay 4 guuldaro oo xidhiidh ah kala kulmeen garoonka San Mames horyaalka La Liga intii u dhexeaysay 2015 ilaa 2017 Athletic Bilbao ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 3-dii kulan ee ay Barcelona kula ciyaareen garoonkooda tartamada oo dhan.

Barcelona ayaa kaliya la kulantay hal guuldaro 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen kooxaha ka dhisan gobolka Basque inkasta oo ay guuldaradaas kaga timid kooxda Athletic Bilbao bishii August 2019.

Athletic Bilbao ayaan badin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga 2 bar-baro iyo 3 guuldaro ayay la kulantay iyaga oo ku fashilmay in ay gool dhaliyaan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link