Blaugrana Oo Boodhka Ka Jafan Karta Rikoodh Xun Oo Ay Dhigeen 24 Sano Ka Hor. – Banaadirsom

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Bayern Munich kulan ka tirsan champions league kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa wajahaysa in ay xilli ciyaareedkan ka ciyaarto Europa League iyada oo halka wado ee ay uga badbaadayso tahay in ay ka badiso kooxda Bayern Munich kulankan.

Dhanka kale Bayern Munich ayaa doonaysa in ay sii wado rikoodhkooda Barcelona waliba mar kale garaacdo kana gaadho guul ay ku soo xidhaan wareega Group-yada champions league.

Kulanka: Bayern Munich Vs Barcelona

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Allianz Arena

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Bayern Munich ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ay Barcelona kaga hor tagtay champions league iyaga oo kaga kala badiyay (3/2, 8/2 iyo 3/0) taas oo ah rikoodhkoodii ugu dheeraa.

Barcelona ayaa laga badiyay kaliya 2 kulan oo ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay martida u ahaayeen kooxaha reer Germany champions League iyaga oo bilaa guuldaro ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Bayern Munich ayaan laga badin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay 5-tii kulan ee ay marti galiyeen Barcelona tartanka champions league 3 guul iyo 2 bar-baro.

Barcelona ayaa kaliya 7 dhibcood ka qaadatay 5-tii kulan ee ugu horeeyay wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedkan, hadii laga badiyo kulanka ugu dambeeya waxa ay dhigi doonaan rikoodhkoodii 2-aad ee ugu xumaa taariikhda kooxda kadib 1997-kii.


Source link