Home Wararka Maanta BIGNEWS: Villa Soomaaliya oo war culus laga sugayo & Sheekh Shariif oo…

BIGNEWS: Villa Soomaaliya oo war culus laga sugayo & Sheekh Shariif oo…

Xog ay heshay Badweytims  ayaa sheegeysa in kulamo hoose oo socday maalmahaan ay hadda meel geba gabo ah marayaan.

Saxaafada ayaa udheg taageysa beyco ay wada galeen qaar ka mid ah murashaxiinta Mucaaradka oo la heshiiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xogta ayaa tibaaxaysa in Wadahadal hoose uu dhexmaray Madaxweynihii hore Dawladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Wakhtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aadan cida Sanadkaan hogaanka dalka qaadanaysa.

Waa ay adag tahay in laga sii hordhaco heshiiskaasi hoose ay Golaha Midowga Murashaxiinta la galeen Nabad iyo Nolol islamarkaana shirkii dhacay wax badan laga helo.

Farmaajo ayaa laga soo warinaya inuu aaminay inuusan soo laaban doonin taas badalkeeda uu jeclaan lahaa intii Xisbiga Damu Jadiid soo laaban lahaayeen Shariifka lasoo saaro.

Daahir Geelle iyo Sheekh Shariif ayaa isku jiho ah,xilli C/raxmaan C/shakuur ay ubadan tahay hadii Shariif soo baxo uu taageero maadaama Dawladiisii uu Wasiirka Qorsheynta kasoo noqday.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hogaamiya xisbga UPD ayaa Damu jadiid hogaan ka ahaa,mana cada sida ay dhabar jebinta siyaasadeed ee la wariyey usaameyn karto.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ogolaaday heshiis iyadoo Doorashada Wareegyadeeda 1aad ama 2aad lagu heshiiyey in codka Farmaajo loosoo wareejiyo dhanka Sheekh Shariif.

Xogtaan oo ah mid aad uxasaasi ah ayaana weli Himilo Qaran aysan ka hadlin waxyaabaha lasoo tebiyey iyo inay xaaladu noqon doonto mid banaanka timaada wakhtiyada soo aadan.

 

Source link