Home Ciyaaraha Ben White & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga...

Ben White & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga – Banaadirsom

Inkasta oo uuna suuqa kala iibsiga xagaagu si Rasmi ah u furmin maadama uu kaliya dhawaan dhamaadeen xilli ciyaareedyada kala duwan ee yurub hadana waxa jira koxo haatanba sameeyay saxiixyo cusub.

Kooxaha ayaa awood u leh in ay samayeen saxiixyada xiddigaha ay doonayaan iyaga oo sidoo kale ku dhawaaqi kara saxiixyada marka ay dhamaystiraan.

Waxa jira kooxo haatanba ku dhawaaqay saxiixyada ay doonayeen maadama ay dhamaystireen wax walba oo uu ku kacayay heshiisku halka ay haatan suuqa horay ugu gali doonaan saxiixyada ay doonayaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa saxiixyada la dhamaystiro inta uu furanyahay suuqa kala iibsiga xagaaga.

Ben White -> Arsenal

Banaadirsom Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben White kaas oo ay kala soo wareegtay Banaadirsom Brighton.

White ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono Banaadirsom Arsenal isaga oo ku biiray saxiixyada ugu qaalisan ee taariikhda Banaadirsom Arsenal.

Marcus Bettinelli -> Chelsea

Banaadirsom chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo Banaadirsom kaga soo biiray Fulham.

Goolhayaha ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Blues isaga oo sidaas ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee Banaadirsom chelsea xagaagan.

Goolhaye Marcus Bettinelli ayaa chelsea kaga soo biiray Banaadirsom Fulham oo uu qaab xor ah uga yimid kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdaas.

Raphael Varane -> Man United:

Banaadirsom Man United ayaa ugu dambayn si Rasmi ah u xaqiijisay in ay Banaadirsom Real madrid kala heshiisay saxiixa daafaca dhexe ee Raphael Varane.

Man United ayaa sheegtay in dhamaystirka saxiixa ka dhamintahay tijaabada caafimaadka oo uu maro xiddiga Raphael Varane iyo waliba in la dhamaystiro xog yar oo ka dhiman saxiixa xiddiga.

Jadon Sancho -> Man United:

Man United ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa Jadon Sancho oo ay muddo dheer ku raad joogtay saxiixiisa kana doonaysay Banaadirsom Borussia Dortmun.

Man United ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga shalay jimcihii isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu Banaadirsom kula joogi doono.

Sancho ayaa Banaadirsom Man United u xidhan doona Lambarka No.25 kadib markii uu Edinson Cavani diiday in uu baneeyo Lambarka No.7 oo uu isagu haatan xidho.

Albert Sambi Lokonga -> Arsenal

Banaadirsom Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Albert Sambi Lokonga kaas oo ay kala soo wareegtay Banaadirsom reer Belguim ee Anderlecht.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga 21 jirka ah ee Albert Sambi Lokonga uu qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Banaadirsom Arsenal

Xiddiga reer Belguim ayaa Banaadirsom u saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2026 isaga oo sidoo kale Banaadirsom u xidhan doona Lambarka No.23 sida ay xaqiijisay Banaadirsom Arsenal.

Olivier Giroud -> Ac Milan:

Banaadirsom Ac Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Olivier Giroud kaas oo ay kala wareegtay Banaadirsom chelsea.

Banaadirsom Ac Milan ayaa Olivier Giroud ka bixisay 1 milyan oo euro iyo waliba lacag hal milyan oo kale oo Guno ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka xiddiga.

Olivier Giroud ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu kula joogi doono Banaadirsom Ac Milan isaga oo ka garab ciyaari doona Ibrahimovic kaas oo Banaadirsom u ciyaara.

Gianluigi Donnarumma -> PSG

Banaadirsom PSG ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo Banaadirsom kaga soo biiray Ac Milan kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdu.

Goolhayaha 22 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu Banaadirsom reer France ku joogi doono ilaa xagaaga 2026 isaga oo noqday saxiixii ugu dambeeyay ee Banaadirsom PSG.

Goolhaye Gianluigi Donnarumma Ayaa ugu biiray Banaadirsom PSG Qaab xor ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray Banaadirsom reer Italy ee Ac Milan oo uu ku qaatay muddo ku dhaw 8 sano.

Nuno Tavares -> Arsenal

Banaadirsom Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Nuno Tavares kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Xiddiga Tavares ayaa Arsenal kaga soo biiray Banaadirsom Benfica waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyaya ee ay Arsenal samayso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xaaagan.

Gunners ayaa heshiis wakhti fog ah ka saxiixatay xiddiga kaas oo uu Banaadirsom ku joogi doono kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska.

Sergio Ramos -> PSG

Banaadirsom PSG ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Sergio Ramos kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay Banaadirsom Real Madrid.

Ramos ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku jogi doono Banaadirsom ka dhisan caasimada France isaga oo noqday saxiixii weynaa ee 2-aad ee ay kooxdu samaysay suuqa xagaagan.

Sergio Ramos ayaa ku biiray Banaadirsom PSG kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisii Banaadirsom Real Madrid kadib 16 sano oo uu ku qaatay Banaadirsom Los Blancos.

Achraf Hakimi -> PSG

Banaadirsom PSG ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa daafaca Achraf Hakimi kaas oo ay kala wareegtay Banaadirsom Inter Milan.

Banaadirsom reer France oo sii wada is adkaynta suuqa xagaagan ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer Morocco kaas oo kaga soo biiray Inter Milan.

PSG ayaa saxiixa xiddiga Achraf Hakimi ku garaacday Banaadirsom Chelsea waxana uu qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka.

Tom Heaton -> Man United:

Banaadirsom Man United ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixeedii 2-aad ee suuqa xagaaga iyaga oo dhamaystiray saxiixa Goolhayaha Tom Heaton.

Goolhaye Tom Heaton ayaa qalinka u duugay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee ay kooxdu ku dhawaaqdo saacado gudohood kadib markii ay shalay ku dhawaaqday saxiixa Jadon Sancho.

Goolhayaha ayaa Banaadirsom Man United ugu soo biiray qaab xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay Banaadirsom Aston Villa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Jadon Sancho -> Man United

Banaadirsom Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay Heshiis Rasmi ah la gaadhay Borussia Dortmund si ay uga hesho saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Jadon Sancho.

Dhamaystirka heshiiska ayaa haatan u dhasantahay tijaabada caafimaadka maadama uu jadon Sancho ka qayb qaadanayo tartanka Euro 2020 oo uu u matalayo tijaabada caafimaadka.

Laakiin Man United ayaa Dortmund kala heshiisay saxiixa xiddiga iyada oo uu xiddiga 21 jirka ah qalinka ku duugi doono heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.

Memphis Depay -> Barcelona

Banaadirsom Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Memphis Depay kaas oo qaab xor ah ugu soo biiraya Banaadirsom 30 bisha June.

Xiddiga 27 Jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis uu ku joogi doono Banaadirsom Barcelona ilaa xagaaga 2023 isaga oo rumeeyay riyadiisa ah in uu ku biiro Banaadirsom Barcelona.

Fikayo Tomori -> Ac Milan

Banaadirsom Ac Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis 4 sano ah ka saxiixatay daafaca dhexe ee Fikayo Tomori kaas oo ay qaab toos ah ugala wareegtay Banaadirsom Chelsea.

Fikayo Tomori ayaa heshiis amaah ah ku qaatay Ac Milan xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Banaadirsom ka caawiyay in ay u soo baxdo champions leaue xilli ciyaareedka dambe.

Ac Milan ayaa haatan xaqiijisay in ay qaab toos ah ugala wareegtay xiddiga Banaadirsom Chelsea iyada oo uu Fikayo Tomori Banaadirsom sii joogi doono ilaa xagaaga 2025.

Georginio Wijnaldum -> PSG

Banaadirsom PSG ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay Banaadirsom Liverpool.

PSG ayaa xaqiijisay in uu Georginio Wijnaldum qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu Banaadirsom ku joogi doono ilaa xagaaga 2024.

Emerson Royal -> Barcelona:

Banaadirsom Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Emerson Royal kaas oo ay kala soo wareegtay Banaadirsom Real Betis.

Xiddiga Emerson Royal ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Banaadirsom Barcelona ilaa xagaaga 2026 isaga oo noqday saxiixii 3-aad ee ay Banaadirsom Barcelona samaysay suuqa xagaaga.

Eric Garcia -> Barcelona

Banaadirsom Barcelona ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Daafaca ka ciyaara ee Eric Garcia kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay Banaadirsom Man City.

Barcelona ayaa Eric Garcia ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Banaadirsom ilaa xagaaa 2026 isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee ay samayso Banaadirsom Barcelona.

Sergio Aguero -> Barcelona

Banaadirsom Barcelona ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Aguero kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay Banaadirsom Man City.

Xiddiga 32 jirka ah oo 33 jir noqon doona bisha June ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku sii joogi doono Banaadirsom ilaa xagaaga 2023 waxana heshiiskiisa lagu xidhay lacag dhan 100 milyan oo lagu bur-burin karo.

David Alaba -> Real Madrid

Banaadirsom Real Madrid ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa David Alaba oo ay si xor ah ugala soo wareegeen Banaadirsom Bayern Munich.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono Banaadirsom Real Madrid waxana uu noqon doonaa xiddig Real Madrid ah 30 bisha June marka uu dhoco heshiiskiisa Bayern munich

Ibrahima Konate -> Liverpool:

Banaadirsom Liverpool ayaa daafaca Ibrahima Konate ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga waxana ay kala soo wareegtay Banaadirsom RB Leipzig iyaga oo bixiyay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska xiddiga.

Liverpool ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in uu xiddiga 22 jirka ah qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah sidaasna ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee suuqa xagaagan

Omar Richards -> Bayern Munich:

Banaadirsom Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca garabka Bidix ee Omar Richards kaas oo ay kala soo saxiixatay Banaadirsom Reading kadib markii uu dhacay heshiiskiisa uu kula jiray Banaadirsom.

Bayern Munich ayaa Omar Richards ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga waxana uu xiddiga 23 jirka ah qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.

Mike Maignan -> Ac Milan:

Banaadirsom Ac Milan ayaa la soo saxiixatay Goolhayaha Mike Maignan kaas oo ay kala soo wareegtay Banaadirsom Lille ee ku guulaystay horyaalka Ligue 1 xilli ciyaareedkan.

Goolhaye Mike Maignan ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah waxana uu noqon doonaa badalka tooska ah ee Gianluigi Donnarumma kaas oo isaga tagi doona Banaadirsom xagaagan.

Ac Milan ayaa Goolhaye Mike ka soo bixisay lacag dhan 15 milyan oo euro waxana ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Source link