Bayern Munich Oo Qarka U Saaran In Ay 50 Milyan Ku Dhamaystirto Saxiixa Xiddig Premier League. – Banaadirsom

Sida ay sheegayaan wararka, Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Leeds United ee Raphinha iyaga oo kula soo saxiixanaya lacag dhan 50 milyan oo euro.

Xiddiga Leeds garabka uga ciyaara Leeds United ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxdiisa waxana ay u muuqataa in ay Bayern Munich ku guulaystay saxiixiisa sida laga soo xigtay TNT Sports.

Raphinha ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Leeds United xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 8 gool 16 kulan oo uu ciyaaray halka uu caawiye ka noqday hal kulan oo kale.

Kooxda Bayern Munich ayaa xiddiga Raphinha u aragta badalka Kingsley Coman kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga 2023 ilaa haatana uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.


Source link