Home Ciyaaraha Bayern Munich Oo Ka Jawaabtay Codsigii Robert Lewandowski’ – Banaadirsom

Bayern Munich Oo Ka Jawaabtay Codsigii Robert Lewandowski’ – Banaadirsom

Banaadirsom Bayern Munich ayaa la sheegay inaysan diyaar u ahayn inay iska iibiso Robert Lewandowski inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 32 jirka ah ayay 2 sano uga hadhsantahay heshiiskiisa Banaadirsom laakiin waxa la sheegayaa in uu warqada codsiga u gudbiyay maamulka kooxdiisa si uu tartan cusub u ciyaaro.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu Lewandowski Doonayo in uu ku biiro koox weyn oo reer yurub ah ka hor inta uuna gaadhin dhamaadka xirfadiisa ciyaareed.

Si kasta ha ahaatee shabakada Goal ayaa sheegtay in ayna Bayern Munich diyaar u ahayn in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uuna xiddiga khabiirka ah kooxdiisa ku qasbi doonin in ay iibiso hadii ay u diido in uu ka tago Banaadirsom suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link