Barcelona Oo Sergino Dest U Adeegsanysa Sxiixa Xiddig Uu Xavi Doonayo – Banaadirsom

Barcelona ayaa qorsheyneysa heshiis is dhaafsi ah la samayso kooxda Ajax iyaga oo xiddiga Sergino Dest u diri doona Ajax si ay u helaan xiddiga kooxda Ajax ee Noussair Mazraoui sida laga soo xigtay Diario AS.

Xiddiga reer America ee Dest aaa seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee Barcelona sabab la xidhiidha dhaawac laakiin waxa la rumaysanyahay in uu ka baxay qorshaha tababare Xavi.

Xiddiga kooxda Ajax ee Noussair Mazraoui ayaa ah mid ku soo baxaya qaab ciyaareedka Xavi isaga oo leh orod badan iyo waliba taam ahaansho dhanka jidhka ah.

Barcelona ayaa haatan wadahadalo ku saabsan arintaas kula jirta kooxda Ajax waxana la sugayaa sida ay Ajax ugu qanciso in ay labada xiddig isku badashaan.

Dhanka kale kooxaha Man City iyo Bayern Munich ayaa dhankooda xiiso u qaba saxiia xiddiga Dest kaas oo a doonayaan in ay ku xoojiyaan daafacooda.


Source link