Home Ciyaaraha Barcelona Oo Ku Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Renato Sanches – banaadirsom

Barcelona Oo Ku Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Renato Sanches – banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe ee Lille Renato Sanches ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u noqday banaadirsom Barcelona inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sanches dib Uga mid noqday xiddigaha ugu fiican khadka dhexe qaarada yurub 12-kii bilood ee ugu dambeeyay isaga oo Lille ka caawiyay in ay ku guulaystaan horyaalka Ligue 1 sidoo kale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartanka Euro 2020.

banaadirsom Lille ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga 23 jirka ah sabab la xidhiidha in ay marayaan xaalada dhaqaale xumo oo uu sababay xanuunka Korona.

Sida laga soo xigtay Le 10 Sport, Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay kula tartanto kooxaha sida Liverpool iyo Tottenham Hotspur saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Barcelona ayaa dhankeeda ku jirta xaalad dhaqaale xumo laakiin waxa laga yaabaa in ay heshiiska ku darto mid ka mid ah xiddigeheeda si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Source link