Home Ciyaaraha Barcelona Oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub. –...

Barcelona Oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub. – banaadirsom

banaadirsom Barcelona ayaa guul weyn ku furatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay banaadirsom Gimnastic kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Tababare Ronald Koeman ayaa ciyaarsiiyay xiddigo da’yar u badan iyada oo ay ku jireen xiddigo dhawr ah oo banaadirsom 1-aad ah kuwaas oo ciyaaray qayb ka mid ah ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Barcelona ku dhibaatootay in ay wax goolal ah dhaliyaan iyada oo banaadirsom Gimnastic iska caabisay una diiday in ay shabaqooda soo taabtaan.

Kulanka waxa wacdaro dhigay xiddig da’yar ah oo Barcelona u ciyaarayay isaga oo dhaliyay saddex gool oo ka mid ah goolashii ay banaadirsom Barcelona ka dhalisay kulanka.

Xiddigaas ayaa ah Rey Manaj kaas oo goolasha kala dhaliyay daqiiqadihii 60, 86 iyo 90 isaga oo muujiyay awoodiisa weerar waliba ahaa xiddiga ugu fiican kulanka.

Xiddiga Alex Collado ayaa daqiiqadii 85-aad dhaliyay goolka 4-aad ee banaadirsom Barcelona iyada oo Barcelona sidaas ku gaadhay guul weyn kulamada saaxiibtinimooyinka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Source link