Home Ciyaaraha Barcelona Oo Doonaysa Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Copa America, Waa Xiddig Premier...

Barcelona Oo Doonaysa Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Copa America, Waa Xiddig Premier League Ka Ciyaara. – banaadirsom

banaadirsom Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Tottenham Hotspur ee Giovani Lo Celso keento Camp Nou inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

25 jirkaan, oo ka caawiyay Argentina inay ku guuleysato Copa America xagaagan, ayaa dhaliyay 7 gool, waxaana uu diiwaangaliyay afar caawin 65 kulan oo uu u saftay Spurs tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Barcelona ayaa xiddiga reer Argentine u aqonsatay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga xagaagan inkasta oo ay ku dhibaatoonayso dhaqaale xumo.

Wararka ayaa sheegaya in ay banaadirsom Ronald Koeman doonayso in ay dar-dar galiso baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso khadka dhexe xillu ciyaareedka dambe.

Lo Celso ayaa dhaawac ku seegay qayb ka mid ah xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo kaliya 28 kulan u saftay banaadirsom Tottenham isaga oo dhaliyay 5 gool hal caawina sameeyay.

Source link