Home Ciyaaraha Barcelona Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso 3 Xiddig Todobaadkan. – banaadirsom

Barcelona Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso 3 Xiddig Todobaadkan. – banaadirsom

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso 3 ka mid ah xiddigaha daafaca uga ciyaara kooxdeeda ka hor dhamaadka todobaadkan.

Inkasta oo uu Lionel Messi diyaar u yahay in uu dhimo mushaharkiisa hadana Barcelona ayaa wali dhaafaysa xadiga mushaharaadka ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

banaadirsom Barcelona ayaa ku qasban in ay hoos u dhigto mushaharka ay bixiso waxana ay doonaysaa in ay iska iibiyaan xiddigo dhawr ah si ay u dhimaan mushaharka ay bixiyaan.

Sida laga soo xigtay wargayska Sports, Barcelona ayaa suuqa dhigtay xiddigaha Clement Lenglet, Sergino Dest & Samuel Umtiti kuwaas oo ay doonayso in ay sida ugu dhakhsaha badan isaga iibiso.

Saddexda xiddig ayay laba ka mid ah door muhiim ah ka ciyaareen kulamada ay kooxdu ciyaartay xilli ciyaareedkii hore kuwaas oo kala ah Clement Lenglet Iyo Sergino Dest.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link