Home Ciyaaraha Barcelona & Atletico Madrid Oo Qarka U Saaran In Ay Is Dhaafsadaan...

Barcelona & Atletico Madrid Oo Qarka U Saaran In Ay Is Dhaafsadaan Laba Xiddig – banaadirsom

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay is dhaafsadaan xiddigaha Antoine Griezmann & Saul Niguez inta lagu jiro suuqa kala iibsoga xagaagan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan heshiiska is dhaafsiga ah ee labada inta lagu suuqa xagaaga.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha Antoine Griezmann Si ay u yarayso mushaharka badan ee ay bixiso si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga Lionel Messi ka hor bilaabashada xlli ciyaaredka cusub.

Dhanka kale banaadirsom Atletico Madrid ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddiga Rodrigo de Paul kaas oo ay ku xoojinayso khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe taas oo la macno ah in ay doonayso in ay iska iibiso xiddiga Saul Niguez.

Labada kooxood ayaa ku jira wadahadalo horumar leh oo ay doonayaan in ay isku dhaafsadaan labada xiddig inta lau jiro suuqa xagaaga iyada oo ay labada xiddig sidoo kale ogolyihiin heshiiska.

Source link