Bar-Baro Ayaan U Qalanay, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay Man City kulan ka tirsanaa premier League.

Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Man City taas oo la macno ah in ay Kooxda Guardiola 13 dhibcood ka horayso kooxda chelsea.

“Natiijo sidan oo kale ah ayaa dhici karta, waxaan u qalanay barbardhac,” Tuchel ayaa u sheegay BT Sport.

“Qaab ciyaareedku waxa uu ahaa mid fiican, sida ay xiddigahaygu u ciyaareen waan ku qanacsanahay, horay waxa aan Man City uga badinay kulamo sidan oo kale ah”.

“Waxaan helnay sideed ama sagaal weerar oo fiican laakiin waxa aan ku dhibaatoonay goolka hortiisa, waxa aan sidoo kale luminay kulamo badan taas ayaana ahayd dhibaatada ugu weyn maanta”

Kooxda Chelsea ayaa lumin doonta kaalinta 2-aad hadii ay Liverpool badiso kulanka ay Axada la ciyaari doonto kooxda Brentford iyaga oo gali doona kaalinta 3-aad.


Source link