Home Ciyaaraha Banaadirsom Martida 40 Sano Kuma Badin Old Trafford – Banaadirsom

Banaadirsom Martida 40 Sano Kuma Badin Old Trafford – Banaadirsom

Man United ayaa kulankooda ugu horeeyay waxa ay sabtidaan ku marti gilinayaan Leeds United, waxaana la xaqiijiyay in saxiixooda cusub ee Sancho uu safanayo kulankaas oo u noqonaya kiisii  ugu horeeyay ee kooxdaas

Balse Varane  weli ma dhameystirmin u wareegitaankiisa United halka Rashford iyo Telles ay dhaawacan yihiin

Xogta Kulanka

*Leeds United ayaa bilaa guul ah 16 kulan oo banaanka garoonkeeda kula soo ciyaartay Man United , waxaana ugu dambeeysay guul Old Trafford ah sanadkii 1981 , lix jeer bar bar dhac ayay galeen halka 10-jeerna ay guul dareysteeen

*United waxa ay xilli ciyaareedkii hore Old Tarfford ku qaabileen 28b gool waana markii ugu horeeysay oo ay sidaas ku dhacdo  tan iyo xilli ciyareedkii 1962/63-dii waqtigaas oo ay qaabileen 38 gool.

*United haddii kulankaan laga badiyo waxa ay noqoneysaa markii  ugu horeeysay oo laba xlli ciyaareed isku xiga ay guul dareysanayaan kulankooda furitaanka horyaalka waxaana ugu dambeesay sanadkii 1972-dii

Source link