Home Ciyaaraha Ballan Qaadkii Ay PSG U Samaysay Kylian Mbappe Ee Ku Aadanaa Real...

Ballan Qaadkii Ay PSG U Samaysay Kylian Mbappe Ee Ku Aadanaa Real Madrid Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Real Madrid ayaa si cad u muujisay rabitaankeeda saxixia Kylian Mbappe kadib markii ay dalab 160 milyan ah miiska u saartay PSG Salaasadii.

Dalabka Real Madrid ayaa imanaya kadib markii uu xiddiga reer France iska diiday dalabkii cusbaa ee ugu dambeeyay ee ay kooxda PSG u soo bandhigtay xilli uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe.

Haatan waxa xaqiiqo ah in uu Mbappe noqon doono xiddig Real Madrid ah xagaagan ama xagaaga dambe iyada oo uu xiddiga 22 jirka ah Real u saxiixi karo heshiis hordhac ah bisha January.

Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday in ay PSG balan qaad u samaysay xiddiga Kylian Mbappe markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2017 kaas oo ahaa in hadii ay Real Madrid dalab ka soo gudbiso saxiixiisa mustaqbalka in ay wadahadalo la furaan kooxda Los Blancos.

PSG ayaa haatan xaqiiqsatay in dalabka ay Real Madrid u soo bandhigtay xiddiga si ay u hesho in uu yahay mid fiican oo ayna iska diidi karin waliba iyaga oo fiican marka la eego in uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link