Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Sare u Qaaday Fursadaha Dib-u-xulashada Farmaajo !!

Axmed Madoobe oo Sare u Qaaday Fursadaha Dib-u-xulashada Farmaajo !!

Codbixin dadweyne waa tiirka ugu muhiimsan nidaamka dimuquraadiyadda ee is xukunka shacabka. Codbixiyaasha waa kuwa go’aamiya nidaamka “fikradaha” dalka lagu maamulo iyo madaxda fulinaysa.

Hanaanka codbixinta dunida waxaa carqalad ku noqday faraggelin dibadeed iyo danaha dabaqadaha hodanka ah. Labadan arrimood waxay sabab u noqdeen in wakiillada shacabka noqdaan kuwo aan matalin danaha iyo fikradaha muwaaddiniinta.

Warbaahinta ayaa noqotay aaladda ay sida weyn u adeegsadaan kooxahan caqabada ku ah codbixinta dadweynaha. Taasina waxay suuraggal ka dhigtay inay hoos u dhacdo kalsoonida lagu qabo nidaamka doorashooyinka dunida iyo weliba wararka ay tabiyaan baraha bulshada.

Hadabba markii ay yaraatay qabsoomidda doorashooyin hufan maxaa ka dhashay?

Amaan Darro: 

Doorashada hufan waxay xoojisaa xasillonida, iyo sharciyadda maamulka siyaasadda. Waxayna gacan ka geysataa wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya muwaadiniinta.

Haddii natiijada doorashada la musuqmaasuqo waxaa ka dhasha xasillooni darro baahsan iyo in muwaadiniinta ay abuuraan fowdo aan la mahadin.

Dalka Al-Jeeriya waxaa cagaha loo geshay December 1991dii dagaal galaaftay 200 kun oo qof, kaddib markii la baabiyey natiijo doorasho ay si aqlabiyad ah ugu guulaystay Xisbiga FIS.

Halka dalka Masar madaxweynihii ay shacabka doorteen uu ku dhex dhintay xabsiga, lana kala diray wakiillada shacabka ay dooratay, kaddib markii ay afgembi sameeyeen ciidamada 2013kii.

Haatana Tunis ayaa qarka u saaran asmad (dhibaato dastuuri ah) oo ku wadda Tuunisiyiinta inay ku dheelmadaan waddadii mugdiga ahayd oo saansaanteedu u egtahay in uu ka dhasho talis u eg kuwii Al-jeeriya iyo Masar. Quwadaha Qarbiga oo ay horseedayaan Maraykanka iyo Faransiiska horeyna u go’aamiyay masiirka Masar iyo Al-jeeriya ayaa maantana dhiirriggelinaya Afgambiga Qays Sacyed.

Xagjirnimo:

Marka dareenka shacabka iyo fikradahooda ay ka dhex muuqan weyso xafiisyada maamulka dowladda, lana tixgelin rabitaankooda waxaa dhacda inay soo ifbaxaan fikrado, iyo aragtiya dadka kala irdheenaya.

Waddamada reer galbeedka iyo Hindiya waxaa hormaray axsaab midig-xagjir ah oo ay madax-martay sareynta isirkooda, “domestic terrorist,” kuwaasoo waxyeelo nafeed iyo mid hantiba u geysta dadka aan ku midibka amaseba ku mabda’ ahayn.

Halka dalalka Islaamka ay ka dhex abuurmaan kooxo hubeysan oo falalka ay geystaana uusan xuduud laheyn.

Burbur Dhaqaale & Maamul Xumo:

Marka hoggaanka dal ay u qabtaan shaqsiyaad aan rabitaan dadweyne ku imaan, balse ku yimid faraggelin dibadeed, amase dhaqaale ay bixiyaan hantilayaasha macaash raadiska ah, waxaa xumaada maamulka maaliyadda, sida dalka Lubnaan waxaana si fudud gacanta uga baxa kheyraadka dalka, waxaana dhaca mooradduug.

Baarlamaanka Masar ayaa ansixiyey heshiis dhigaya in jasiiradaha Badda Cas “Tiran & Sanafir” lagu wareejiyo boqortooyadda Sacuudi Carabiya. (BBC June 14, 2017).

Sidoo kale, dekedaha Berbera iyo  Boosaaso ayaa heshiis aan dheellitirneen shirkada DP World ee Imaaraadka Carabta kula wareegtay saamina ka siisay Itoobbiya.

Aqoonyahan Helene Landemore, oo ah bare cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Yale oo tifaftirtay buuga “Democratic Reason: Politics, Collective Intelligence, and the Rule of the Many” ayaa waxay ka soo horjeesatay fikradda ah in hoggaaminta dadka tirada yar ay ka sarreyso hoggaaminta dadweynaha.

Buuga Helene Landemore iyo Jon Elester ay tifaftireen ayaa sal uga dhigay aragtida uu soo bandhigay dood ah, “haddii dowladnimada dadku ay tahay, dadku waa inay sameeyaan xukunka”.

Soomaaliya inay codbixin shacab ka dhacdo waxaa hortaagan faraggelin shisheeye, gaar ahaan mid galbeed iyo hantiileyda carbeed, kuwaasoo loogu yeero “waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya”. Dalalkan ayaa gudaha Soomaaliya ku abuurtay kooxo si weyn u abaabulan oo fuliya danahooda, kuwaasoo loogu yeedho “siyaasiyiinta mucaaradka iyo difaacayaasha xuquuqda rayidka”

Haatan Soomaaliya waxaa ka billowday xulashada kuraasta Aqallada Barlamaanka. Xulashadii ugu horreysay waxay ka dhacday magaalada Kismaayo oo uu ka taliyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Siddeed kursi oo Aqalka Sare ee taalla maamul-goboleedka Jubbaland afar ka mid ah ayuu soo qaddimay.

Dhamaan kuraasta wax tartan ah kama dhicin, oo waxay ahayd masrax siyaasadeed oo uu hal-abuuray Axmed Madoobe, koox uu si fiican u carbiyeyna ay jilayeen ruwaayadda.

Ruwaayaddaas waxaa si weyn uga helay saaxiibbada ay jaalka ku yihiin dhabarjabinta Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo durbadiiba hambalyo u diray kuwa la cumaamuday (la duubay).

Waxaase ayaandarro ahayd in Guddoomiyaha Gudiga Xulashada Mudane Maxamed Xasan Cirro marqaati fur been ah sameeyo, islamarkaasna Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bogaadiyey hannaanka ay xulashada u dhacday.

Mudane Axmed Madoobe waxuu furay albaabbada sharka, waxaana la filayaa in dhammaan maamul-goboleedyada kale ay mari doonaan wadada uu Axmed falay!

Kaaddiriinta Nabad & Nolol ayaa helay fursad ay ku soo saari karaan shaqsiyaad daacad u ah fikradaha Nabad iyo Nolol. Indheergarad badan ayaa rumaysan in Axmed Madoobe uu sare u qaaday fursadaha uu Farmaajo ku joogi doono xafiiska afarta sano ee soo aadan.

W/Q Saciid Cabdisalaam

Source link