Home Ciyaaraha Atletico Madrid Oo Barcelona Ka Diiday Heshiis Isku Badalasho Ah – banaadirsom

Atletico Madrid Oo Barcelona Ka Diiday Heshiis Isku Badalasho Ah – banaadirsom

Atletico Madrid ayaa diiday fursad ay Antoine Griezmann dib ugu soo celin karaan banaadirsom Kadib markii ay Barcelona u soo bandhigtay heshiis isku badalasho ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddigaha Joao Felix iyo Saúl Ñíguez.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Griezmann kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan banaadirsom.

banaadirsom Barcelona ayaa ku qasan in ay iska iibiso xiddigo si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga Lionel Messi kaas oo uu dhacay heshiiska uu kula jiro banaadirsom.

Bilowgii todobaadkan ayay soo bexeen warar sheegaya in ay Barcelona u soo bandhigtay Atletico Madrid saxiixa xiddiga Geizmann si ay iyaguna u helaan midkood xiddigaha Saul Niguez iyo Joao Felix.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid si cad u diiday dalabka Barcelona iyaga oo u sheegay in ayna doonayn in ay dib u helaan saxiixa xiddia Griezmann.

Source link