Home Ciyaaraha Arteta Oo Shax Adag Ku Soo Galay Kulanka – Banaadirsom

Arteta Oo Shax Adag Ku Soo Galay Kulanka – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor iman doono kooxda West Brom kulan ka tirsan wareega 2-aad ee tartanka Carabao Cup-ka.

Arsenal ayaa markii ugu horaysay ee taariikhdeeda ka qayb galaysa tartanka wareegan iyaga oo marti u noqon doonta kooxda West Brom kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Tababare Mikel Arteta ayaa kulanka ku soo galay shaxdiisa ugu adag isaga oo doonaya in uu guul gaadho kulankiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Aubameyang ayaa hogaaminaya weerarka kooxda Arsenal xilli uu Goolhaye Ramsdle ku bilowday shaxdiisii ugu horaysay isaga oo ilaalinaya Goolka Arsenal.

Dhanka kale xiddiga Martin Odegaard ayaa kulankiisii ugu horeeyay ku bilowday tan ilaa markii uu ku soo bilowday Arsenal xilli uu xiddiga Lacazette ku bilowday kaydka Arsenal.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

West Brom:?

Arsenal: Ramsdale; Tavares, Chambers, Holding, Kolasinac; Elneny, Xhaka, Odegaard, Pepe, Saka, Aubameyang.

Kaydka: Leno, Mari, Maintland-Niles, Sambi, Smith Rowe, Martinelli, Lacazette

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link