Home Ciyaaraha Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Aaron Ramsdale – Banaadirsom

Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Aaron Ramsdale – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Aaron Ramsdale kaas oo ay kala soo wareegtay lacag dhan Sheffield United.

Arsenal ayaa Aaron Ramsdale ka soo bixisay lacag dhan 24 milyan oo euro iyaga oo ka dhigay saxiixoodii 5-aad ee intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu Goolhaye Aaron Ramsdale qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Emirates.

Waxa intaas sii dheer in ay Arsenal xaqiijisay in uu Goolhaye Aaron Ramsdale kooxda u xidhan doono Lambarka No.32 waliba uu la tartami doono Goolhaye Leno.

Arsenal ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu Aaron Ramsdale diyaar u noqon doono in uu ciyaaro kulanka ay Arsenal Axada la ciyaari doonto kooxda Cheslea Premier League.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link