Arsenal Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Xiddig Muhiim U Ah Kooxdeeda Ka Hor Kulanka Everton. – Banaadirsom

Maamulaha Arsenal Mikel Arteta ayaa qirtay in Emile Smith Rowe uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa kulanka ay Isniinta la ciyaari doonaan kooxda Everton horyaalka premier League.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa muhiim u noqday Arsenal isaga oo gool u dhaliyay kulankii ay guuldarada kala kulantay Man United laakiin waxa lagu badalay xiddiga Bukayo Saka Daqiiqadii 70-aad.

Badalka Smith Rowe ayaa markii hore loo maleeyay in uu yahay mid iska caadi ah laakiin Arteta ayaa sheegay in uu xiddigu raaxo la’aan dareemay waliba la qiimayn doono xaaladiisa.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa uu dareemay raaxo la’aan intii uu ku jiray garoonka waxana aan go’aansanay in aan badalno waxa aan eegi doonaa xaaladiisa saacadaha soo socda ilaa Bari ayaa la sugi doonaa sida uu yahay”.

Goolkii uu Smith Rowe ka dhaliyay Man United ayaa ahaa goolkii 5-aad ee uu xiddigu u dhaliyo Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda


Source link