Home Ciyaaraha Arsenal Oo Wadahadalo Horumar Leh Kula Jirto Xiddig Ay Aad U Doonayeen...

Arsenal Oo Wadahadalo Horumar Leh Kula Jirto Xiddig Ay Aad U Doonayeen Saxiixiisa. – Banaadirsom

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto Banaadirsom Real Madrid si ay qaab toos ah ula saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xiddig khadka dhexe oo weerarka ah la soo saxiixdo Xagaagan waxana ay donaysaa xiddiga Martin Odegaard kaas oo qaab amaah ah ugu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore.

Gunners ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Leicester City ee James Maddison laakiin Banaadirsom Leicester City ayaa doonaysa in ay ku iibiso lacag dhan 60 milyan oo euro taas oo ah mid ay Arsenal bixiso.

Sky Sport ayaa haatan sheegaysa in ay Arsenal wadahadalo kula jirto Banaadirsom Real Madrid si ay xiddiga Martin Odegaard qaab toos ah ugula wareegto si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ay Banaadirsom Real Madrid ku iibinayso lacag dhan 35 ilaa 40 milyan oo euro iyada oo haatanba ka reebtay kulamada Banaadirsom ee xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay.

Source link