Home Ciyaaraha Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Badalka Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Chelsea. –...

Arsenal Oo Talaabo U Qaaday Badalka Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Chelsea. – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xidhiidh la samaysay tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Antonio Conte si ay ugu badalaan Mikel Arteta oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Tababaraha Arsenal ayuu saaranyahay cadaadis xoogan kadib markii ay la kulmeen guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League Axadii la soo dhaafay.

Arsenal ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay Chelsea kulan ka dhacay Emirates taas oo la macno ah in ay Arsenal ku bilaabatay sidii ugu xumayd taariikhdooda horyaalka premier League.

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay Arsenal la xidhiidhay wakiilka tababare Antonio Conte si ay ugu badalaan Mikel Arteta inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Antonio Conte ayaa bilaa koox ah kadib markii uu ka tagay kooxda Inter Milan dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore oo uu kooxda kula guulaystay horyaalka Serie A-da.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link