Home Ciyaaraha Arsenal Oo Suuqa Dhigtay 6 Xiddig Si Ay Xiddigo Kale Ula Soo...

Arsenal Oo Suuqa Dhigtay 6 Xiddig Si Ay Xiddigo Kale Ula Soo Saxiixato Inta Uu Furanyahay Suuqa Xagaagan. – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay iibiso ku dhawaad 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xidhmin 31 bishan.

Gunners ayaa ilaa haatan suuqa galisay lacag ku dhaw 129 milyan oo euro kadib markii ay kooxda ku soo dareen xiddigaha Martin Odegaard iyo Aaron Ramsdale.

Kooxda Mikel Arteta ayaa u muuqata kuwo aan wali ka bixin suuqa waxana ay bilaabayaan in ay iska iibiyaan xiddigo kooxda ah si ay ugu dhaqaaqaan saxiixyo cusub ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Gunners isku diyaarinayso in ay iibiso 6 xiddig oo kooxda 1-aad ah si ay u samayso 2 ama 3 saxiix oo kale oo ay kooxda ku xoojiso.

Gunners ayaa suuqa dhigtay xiddigaha Willian, Ainsley Maitland-Niles, Eddie Nketiah, Lucas Torreira, Reiss Nelson & Sead Kolasinac si ay u hesho lacag ay suuqa ugu gasho.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link