Home Ciyaaraha Arsenal Oo Si Lma Filaan Ah Dalab 77 Milyan Ah Uga Gudbisay...

Arsenal Oo Si Lma Filaan Ah Dalab 77 Milyan Ah Uga Gudbisay Weeraryahan Aad Loo Qiimeeyo. – banaadirsom

banaadirsom Arsenal ayaa sii wada wacdaraha ay ka dhigayaan suuqa xagaaga iyaga oo dalab Rasmi ah ka gudbiyay weeraryahanka banaadirsom Inter Milan ee Lautaro Martinez sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee Ben White kaas oo ay 50 milyan kula soo wareegayso xaaagan.

Sidoo kale waxa ay kooxdu haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga Nuno Tavares iyo Albert Sambi Lokonga kuwaas oo ay ku xoojisay daafaca iyo khadka dhexe ee kooxdooda.

Laakiin tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa doonaya in uu weeraryahan cusub la soo saxiixdo ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagu xiddiga Chelsea ee Tammy Abraham ayaana bartilmaameed u ah laakiin chelsea ayaa doonaysa 40 milyan.

Haatan Gunners ayaa darenkooda u jeedisay weeraryahank Inter Milan ee Martinez iyaga oo waliba dalab ka gudbiyay sida laga soo xigtay wargayska Telegraph.

Bilowgii bishan wakiilkada xiddiga Martinez ayaa sheegay in ay Inter Milan diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 77 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer Argentine.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Source link