Arsenal Oo Sanadkii 2-aad Oo Xidhiidh Ah Wareega 3-aad Looga Reebay FA Cup-ka. – Banaadirsom

Lama Filaankii ugu weynaa ayaa ka dhacay FA Cup-ka kadib markii ay kooxda Nottingham Forest tartanka FA Cup-ka ka reebtay kooxda Arsenal kulan xiiso lahaa.

Arsenal oo ah kooxda ugu guulaha badan tartanka FA Cup-ka ayaa laga reebay koobka xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah iyaga oo aan dhaafin wareega 3-aad ee tartanka.

Mikel Arteta ayaa ku soo galay shaxdiisa ugu adag inkasta oo uu is badal ku sameeyay shaxdiisa xiddigaha qaarna fadhiisiyay oo kaydka dhigay.

Kooxda Nottingham Forest ayaa ahayd koox dar-dar ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Arsenal kaga fiicnaa dhanka fursadaha iyo halis galinta goolka inkasta oo ay Arsenal maamulaysay ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin qaybtii hore.

Kooxda Nottingham Forest ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-ar leh iyaga oo doonayay in ay Arsenal ka dhaliyaan gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 83-aad ayay Nottingham Forest dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Lewis Grabban kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda Nottingham Forest kooxda Arsenal kaga reebtay tartanka  FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.


Source link