Home Ciyaaraha Arsenal Oo Qarka U Saaran In Ay Dhamaystirto Xiddig Muddo Lala Xidhiidhinayay,...

Arsenal Oo Qarka U Saaran In Ay Dhamaystirto Xiddig Muddo Lala Xidhiidhinayay, Waa Xiddig Premier League Ka Ciyaara. – Banaadirsom

Arsenal ayaa haatan wadahadalo horumar leh kula jirta Sheffield United oo ay ka doonayso Goolhaye Aaron Ramsdale sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska football.london ayaa sheegaya in ay Gunners doonayso in ay Dhamyastirto saxiixa Goolhayaha reer England kadib markii laga diiday dhawr dalab oo hore oo ay ka gudbisay Goolhayaha 23 jirka ah.

Banaadirsom Sheffield United ayaa ka hadhay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore waxana ay Goolhaye Ramsdale ku qiimaysaa lacag dhan 34 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee Gunners ayaa la sheegayaa in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagtaas waxana ay doonayaan in ay bixiyaan lacag dhan 24 milyan oo euro iyo waliba lacago Gunooyin ah.

Tababare Mikel Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro Goolhaye cusub oo la tartama Goolhaye Bernd Leno xilli ciyaareedka dambe waxana ay haatan ku dhawdahay in ay wadahadalo kula jirto Banaadirsom Sheffield United.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Source link