Home Ciyaaraha Arsenal Oo Loo Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Hadii Ay Doonayso In...

Arsenal Oo Loo Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Hadii Ay Doonayso In Ay Tartanto Xilli Ciyaareedka Cusub. – banaadirsom

Arsenal waxay u baahan tahay inay sameyso ‘ugu yaraan’ shan saxiix oo cusub xagaagan oo ay la soo wareegto ciyaartoy leh ‘tayo iyo shaqsiyad’, sida uu sheegayo laacibkii hore ee khadka dhexe ee Gunners Emmanuel Petit.

banaadirsom Mikel Arteta ayaa ku dhamaystay kaalinta 8-aad premier League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo 25 dhibcood ka dambaysa banaadirsom Man City.

Petit oo Arsenal kula guulaystay FA Cup iyo premier League sanadkii 1998 ayaa sheegay in ay Arsenal isku shaandhayn weyn u baahantahay suuqa xagaagan.

“Hadii ay Arsenal doonayso in ay mar kale tartanto, waxa u u baahanyihiin ugu yaraan 5 xiddig oo cusub kuwaas oo leh tayo iyo shaqsiyada”ayuu Petit u seegay Metro.

“Waxa ugu horeeya ee ay u baahanyihiin ayaa ah Gool dhaliye, Pierre-Emerick Aubameyang waa gool dhaliye fiican laakiin xilli ciyaareed adag ayuu soo qaatay, sidoo kale kooxdu waxa ay u baahantahay xiddigo garabka ka ciyaara”.

“Arsenal waxa ay haysan jirtay xiddigo fiican oo garabka ah, kuwaas oo banaadirsom ku soo kordhin kara banaadirsom wax badan laakiin haatan booskaas ma haysato”.

Source link