Home Ciyaaraha Arsenal Oo Loo Saadaaliyay In Ay U Tartanto Premier League & Sababta...

Arsenal Oo Loo Saadaaliyay In Ay U Tartanto Premier League & Sababta Oo La Sharaxay. – banaadirsom

Xiddigii hore ee banaadirsom Liverpool Danny Murphy ayaa sheegay in ay banaadirsom Arsenal u tartami doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe waliba cid walba ka yaabin doonto sabab la xidhiidha in ayna ka qayb gali doonin tartamada yurub.

Gunners ayaa markii ugu horyasay muddo 25 sano ah seegtay tartamada yurub iyada oo banaadirsom Mikel Arteta ku dhamaystay kaalinta 8-aad ee kala saraynta xilli ciyaareedka.

Waxa ay la macno tahay in ay Arsenal kaliya ciyaari doonto premier League, Fa cup iyo League cup Danny Murphy ayaana rumaysan in ay banaadirsom Arsenal wacdaro dhigi doonto xilli ciyaareedka sababtaas darteed.

“Waxa aan dareensanahay in ay Arsenal wacdaro dhigi doonto, mana garanayo meesha uu dareenkaas ka yimid”ayuu u sheegay talkSPORT.

“Marka la eego in ayna ciyaari doonin kubad yurub, waliba ay haatan si fiican u galeen suuqa xagaaga, waxan u malaynayaa in ay Arsenal wacdaro dhigi doonto”.

“Inkasta oo ay kulamo adag ku bilaaban doonaan waxana u malaynayaa in ay xiddigaha da’yarka ah si weyn u caawin doonaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Source link