Home Ciyaaraha Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Badalka Lautaro Martinez –...

Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Badalka Lautaro Martinez – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa lagu so waramayaa in laga diiday dalab lacageed oo dhan 17 milyan oo euro kaas oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Lazio ee Joaquin Correa iyada oo loo sheegay Gunners in ay kor u qaado dalabkeeda.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Banaadirsom Lazio iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha Arsenal, Tottenham, Everton iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, Gunners ayaa Lazio miiska u saartay lacag dhan 17 milyan euro laakiin waxa loo sheegay in ayna lacagtaas ku filnayn in ay ka caawiso helitaanka saxiixa xiddiga.

Correa ayaa dhaliyay 30 gool 18 kalena caawiye ka noqday 117 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa Lazio isaga oo sidoo kale dhaliyay 11 gool xilli ciyaareedkii hore 38 kulan oo uu ciyaaray.

Banaadirsom Arsenal ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga Joaquin Correa kadib markii ay Inter Milan Diiday Dalab ay Arsenal ku doonaysay saxiixa xiddiga Lautaro Martinez.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Cuntooyinka Kor U Qaada Rabitaanka Ragga & Dumarka Ee Kulanka Sariirta.

Source link