Home Ciyaaraha Arsenal Oo Ku Cadho Bur-Burtay West Brom, Aubameyang Oo Saddexley Dhaliyay &...

Arsenal Oo Ku Cadho Bur-Burtay West Brom, Aubameyang Oo Saddexley Dhaliyay & Arteta Oo Yara Neefsaday. – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa ku cadho bur-burtay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa wareega 2-aad ee taranka Carabao Cup-ka xilli uu Mikel Arteta cadaadisku ka yara dagay.

Arteta oo bilowgii ciyaartaba iska ilaalinayay Lama filaan uga yimaada kulanka ayaa ku soo galay shax adag isaga oo doonayay in uu guushii ugu horeeyay ku hogaamiyo kooxdiisa.

West Brom ayaa si Dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo u muuqday daqiiqadihii hore kuwo Arsenal kaga hor maraya goolka furitaanka laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen dhamaystirka fursadaha.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 17-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ka fur-furay naqas ku taagnaa taageerayaasha Arsenal.

Wixii goolkaas ka dambeeyay ciyaarta ayaa u fur-furantay Arsenal waxana ay bilaabeen in ay ciyaarta soo galaan kana awood badiyaan kooxda West Brom kuwaas oo fursadihii hore ka faa’iidaysan waayay.

Daqiiqadii 45-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo mark 2-aad shabaqa soo taabtay xilli ay West Brom ka niyad jabtay ciyaarta.

Ka hor intii ayna dhamaan qaybta hore daqiiqadii 45+1-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Arsenal ku hogaaminayso qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Arsenal si waday dadaalka waxana ay daqiqiadii 50-aadba dhaliyeen goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Kabtanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang oo xiddiga garoonka ahaa ayaa daqiiqadii 62-aad shabaqa soo taabtay isaga oo ciyaarta ka dhigay 5/0 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Xiddiga Alexandre Lacazette oo xanuunka Korona ka soo laabtay ayaa daqiiqadii 69-aad dhamaystiray nus-darsinka goolasha ah ee ay Arsenal ka dhalisay ciyaarta isaga oo ka dhigay 6/0.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guusheedii ugu horaysay ee xilli ciyaareedka waliba iska xadirisay wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup-ka.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link