Home Ciyaaraha Arsenal Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxixia Xiddig Baxsad Ka Ah...

Arsenal Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxixia Xiddig Baxsad Ka Ah Barcelona. – banaadirsom

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula tartanto kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic.

Xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka ayaa qarka u saaran in uu isaga tago banaadirsom Arsenal iyada oo xiddigaha Matteo Guendouzi, Dani Ceballos iyo Martin Odegaard haatanba isaga tageen Guuners.

Tababare Mikel Arteta ayaa suuqa u gali doona sidii uu ula soo saxiixan lahaa xiddig khadka dhexe ah si ay ugu buuxiyaan booska ay ka tageen xiddigaha kor ku xusan.

Gunners ayaa loo maleynayaa inay dib u soo cusbooneysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga banaadirsom Lyon ee Houssem Aouar, laakiin waxa ay ku qasbantahay in ay xiddig kale iska fasaxdo ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga reer France.

Pjanic ayaa ah dookh u fudud Arsenal si ay u hesho saxiixiisa marka loo eego in ay Barcelona doonayso in ay iska iibiso xiddiga wargayska Sport ayaana sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo xiddiga 31 jirka ah.

Source link