Home Ciyaaraha Arsenal Oo Ka Jawaabtay Dalab Is Dhaafsi Ah Oo Ay Barcelona Ugu...

Arsenal Oo Ka Jawaabtay Dalab Is Dhaafsi Ah Oo Ay Barcelona Ugu Soo Bandhigtay Philippe Coutinho Si Ay Uga Helaan Pierre-Emerick Aubameyang

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalab isku badalasho ah oo ay Barcelona ugu soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska dirto xiddiga Philippe Coutinho kaas oo ay ku dhibaatoonayso mushaharkiisa aadka u sareeya xilli ay ku jirto xaalad dhaqaale oo xun.

Dhanka kale Barcelona ayaa doonaysa xiddig weerarka ka ciyaara waxana ay calaamadsatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu xoojiso weerarkeeda.

Sidaas darteed Barcelona ayaa Arsenal u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Philippe Coutinho si ay badalkiisa u helaan xiddiga weerarka ka ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Arsenal si cad u u diiday Dalab Barcelona waliba u sheegtay in ayna wax xiiso ah u qabin in ay Coutinho ku badashaan kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link