Home Ciyaaraha Arsenal Oo Heshay Waddo U Sahlaysa Saxiixa James Maddison, Maxay Damacsanyihiin? –...

Arsenal Oo Heshay Waddo U Sahlaysa Saxiixa James Maddison, Maxay Damacsanyihiin? – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Leicester City miiska u saartay dalab lacag iyo xiddig ah si ay uga hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Maddison.

Xiddiga James Maddison ayaa ah xiddiga ugu sareeya Liiska xiddigaha Arsenal doonayso suuqa xagaagan laakiin lacagta 70-ka milyan ah ee ay Leciester City dalbanayso ayaa ah mid ku adag.

Sida laga soo xigtay wargayska Football.london, Gunners ayaa diyaar u ah in ay Liecster City dalab dhan lacag iyo waliba xiddig si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Wali lama oga xiddiga ay ku darayso heshiiska laakiin waxa la filayaa in uu midkood noqdo xiddigaha Joe Willock, Reiss Nelson a& Eddie Nketiah.

Wadahadalada ayaa la sheegayaa in ay u socdaan si aad u hoosaysa laakiin dalabka ayaa muujinaya rabitaanka Mikel Arteta ee xiddiga Maddison suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Source link