Home Ciyaaraha Arsenal Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Gaadhay Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang –...

Arsenal Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Gaadhay Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang – Banaadirsom

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iibiso kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang xagaagan.

Aubameyang ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo weyn sanadkii hore laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa hoos u dhacay 12-kii bilood ee ugu dameeyay.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa kaliya dhaliyay 10 gool premier League sanadkii hore marka loo bar-bar dhigo  22 gool oo uu dhaliyay 2-kii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Wargayska The Times ayaa haatan sheegaya in ay Gunners diyaar u tahay in ay iska iibiso weeraryahnkeeda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal ka wel-welsantahay in ay waydo cid kala wareegta xiddiga sabab la xidhiidha da’diisa iyo waliba qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay sanadihii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay.

Source link