Home Ciyaaraha Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Arsenal. –...

Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Arsenal. – Banaadirsom

Maamulka Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadheen mustaqbalka Tababare Mikel Arteta kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka premier League

Tababare Arteta ayaa wajahaya cadaadis xoogan kadib markii ay Gunners guuldaro kala kulantay kooxda Chelsea kulankoodii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Kadib guuldaradaas waxa soo baxay warar badan oo sheegaya in ay Maamulka Arsenal la xidhiidheen tababare Antonio Conte si ay ugu badalaan tababare Mikel Arteta hadii ay shaqada ka caydhiyaan.

Si kasta ha ahaatee saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta haysto kalsoonida maamulka Kooxda Arsenal waliba ayna shaqada ka caydhin doonin wax walba oo dhaca.

Maamulka Arsenal ayaa garab taagan tababare Arteta iyaga oo ku kalsoon in uu dhanka kale u rogi doono qaab ciyaareedka kooxda kadib xilli ciyareedka adag ee ku bilaabatay kooxdu.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link