Home Ciyaaraha Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay James Maddison &...

Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay James Maddison & Sababta Ka Dambaysa Go’aankaas Oo La Ogaaday. – banaadirsom

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka weecatay inay lacag badan kula soo wareegto James Maddison xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa ka mid ah kooxaha ugu fir-fircoon suuqa kala iibsiga premier League ilaa haatan xagaagan iyaga oo sameeyay saxiixyo dhawr ah.

banaadirsom ayaa ku dhawaaqday saxiixyada xiddigaha Nuno Tavares & Albert Sambi Lokonga sidoo kale qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga daafaca dhexe ee Ben White.

Saxiixa Ben White ayaa suuqa Arsenal kor ugu qaadi doona 70 milyan oo euro laakiin lama filayo in ay samayso saxiixyo waaweyn oo kale inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddigo dhawr ah ayaa la filayaa in ay isaga tagaan banaadirsom sida Hector Bellerin, Granit Xhaka & Lucas Torreira kuwaas oo helaya xiiso ay uga tagi karaan banaadirsom.

Saxiixa Goolhaye Cusub ayaa haatan noqon doonta Muhiimada 1-aad ee banaadirsom Arsenal iyada oo ay doonayso saxiixa Goolhayaha reer England ee Aaron Ramsdale.

Xiddiga James Maddison ayaa ahaa xiddig diirada u saarnaa banaadirsom Arsenal xagaagan oo dhan laakiin Gunners ayaan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in sababta ka dambaysa Go’aankaas ay tahay heshiiska cusub ee xiddiga Emile Smith Rowe kaa soo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah maadama ay xiddiga da’yarka ah u aragto xiddig qaban kara waxa uu Maddison qabto.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link