Arsenal Oo Garaacday 10 Xiddig Oo West Ham Ah Kaalinta 4-aadna Ka Gashay Premier League. – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Emirates iyaga oo kaalinta 4-aad si Rasmi ah u galay.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood iyada oo ay soo bandhigeen qaab ciyaareed adag oo ay koox walba u dagaalamaysay sidii ay 3-da dhibcood u heli lahayd.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ayna labada kooxood samayn fursado fiican inkasta oo ay Arsenal ciyaarta maamulaysay hadana kulanka ayaa ahaa mid aad u adag.

Laakiin qaybtii dambe ayay wax walba is badaleen iyada oo Arsenal awood ku muquunisay koxda West Ham kuwaas oo aan si fiican u ciyaarin qaybtii dambe ee ciyaarta.

Daqiiqadii 48-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

West Ham ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay samaysay fursado iyo weeraro wax ku ool ah laakiin Difaacyada Arsenal ayaa si fiican u difaacday goolkooda.

Arsenal ayaa daqiiqadii 66-aad heshay rikoodhe kadib markii khalad lagu galay xiddiga Lacazette kaas oo rikoodhada u istaagay laakiin Nasiib xumo laga qabtay.

West Ham ayaa kaadhka cas looga taagay xiddiga Coufal kaas oo khaladka ku galay xiddiga Lacette isaga oo kooxdiisa 10 xiddig kaga tagay ciyaarta.

Kadib rikoodhadaas West Ham ayay rajo gashay waxana ay bilaabeen in ay weerar rogaal celis ah ku qaadaan Kooxda Arsenal kuwaas oo difaac galay si ay goolka u ilaashadaan.

Laakin daqiiqadii 87-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Emile Smith Rowe kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal gaadhay guul qaali ah sidaasna kaalinta 4-aad ugala bexeen kooxda West Ham kuna galeen iyagu.


Source link