Home Ciyaaraha Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig Baxsad Ka Ah Chelsea – banaadirsom

Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig Baxsad Ka Ah Chelsea – banaadirsom

banaadirsom Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay weeraryahanka banaadirsom chelsea ee Tammy Abraham u calaamadsatay bartilmaameed ay doonayso in ay suuqa xagaaga ku xoojiso banaadirsom.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa dhaliyay 12 gool 32 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu ka baxay qorshaha Thomas Tuchel xilli ciyaareedkii hore.

Kooxo dhawr ah oo ay ka mid yihiin West Ham Iyo Aston Villa ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga reer England oo uu heshiiskiisa chelsea uga dhimantahay muddo 2 sano ah.

Chelsea ayaa la rumaysanyahay in ay Tammy Abraham ku qiimaysao lacag dhan 40 milyan oo euro sida laga soo xigtay The Telegraph, Arsenal xiiso u qabta saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan weerarkooda.

Wararka ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta si aad ah u doonayo in uu xiddiga reer England ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe waliba uu doonayo in uu iska iibiyo xiddigo banaadirsom ah si uu u helo Tammy Abraham.

Source link