Home Ciyaaraha Arsenal Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso Ugu Yaraan 7 Xiddig Ka...

Arsenal Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso Ugu Yaraan 7 Xiddig Ka Hor Inta Uuna Suuqu Xidhmin. – Banaadirsom

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay rajaynayso in ay iska iibiso 7 xiddig oo kale ka hor inta uuna xirmin suuqa kala iibsiga.

Gunners ayaa suuqa galisay lacag ka badan 100 milyan oo euro iyaga oo kooxda keenay xiddigaha Nuno Tavares, Albert Sambi Lokonga, Ben White, Aaron Ramsdale iyo Martin Odegaard.

Xiddigaha William Saliba iyo Matteo Guendouzi ayaa dhankooda qaab amaah ah uga tagay kooxda halka ay iska iibisay xiddiga Joe Willock waxana ay doonaysaa in ay sii wadaan xiddigaha ay iska iibinayaan xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargayska Evening Standard, kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso ugu yaraan 7 xiddig ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigaha Willian, Lucas Torreira, Sead Kolasinac, Eddie Nketiah, Reiss Nelson, Ainsley Maitland-Niles & Hector Bellerin ayaa ah xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska dirto maalmaha soo socda.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link