Home Ciyaaraha Arsenal Oo Diidan Codsiga Chelsea Si Ay Uga Iibiso Tammy Abraham –...

Arsenal Oo Diidan Codsiga Chelsea Si Ay Uga Iibiso Tammy Abraham – banaadirsom

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga Chelsea Tammy Abraham laakiin diyaar uma ahan inay bixiyaan 40 milyan oo euro si ay xiddiga reer England u keenaan Emirates Stadium.

23 jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago Blues xagaagan isagoo raadinaya in uu ku biiro koox uu joogto ugu ciyaaro Arsenal ayaana la sheegayaa in ay xiiso u qabto saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay The Express, Gunners ayaa diyaar u ah inay la kulanto mushaharka Abraham ee 125 kun ee gini todobaadkii laakiin Arsenal ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta chelsea ee 40-ka milyan ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu marka hore uga tagi doono Blues qaab amaah ah xagaagan ka hor inta uuna si toos ah uga tagin xagaaga dambe.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay Abraham u aragto mid wax weyn ku soo kordhin kara banaadirsom xilli ciyaareedka dambe marka loo eego in uu leeyahay gool dhalin fiican.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

Source link