Home Ciyaaraha Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxiixa Martin Ødegaard – Banaadirsom

Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxiixa Martin Ødegaard – Banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe ee Martin Ødegaard ayaa si Rasmi ah ugu biiray Banaadirsom Arsenal kadib markii ay labada kooxood ee Real iyo Arsenal ka heshiiyeen saxiixa xiddiga.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Norway Martin Ødegaard ayaa ku laabanaya Arsenal oo uu qaab amaah ah ku joogay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore kuna soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in la dhamaystiray wax walba oo ku saabsan heshiiska kaliyana haatan hadhay in ay labada kooxood ku dhawaaqaan dhamaystirka heshiiska.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uu xiddiga Martin Ødegaard qalinka ku duugayo heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Banaadirsom Emirates qaab toos ahna ugu biiray.

Banaadirsom Arsenal ayaa xiddiga Martin Ødegaard ka bixinaysa lacag 35 milyan oo euro ah iyo 5 milyan oo Guno ah oo ku xidhnaan doonta qaab ciyaareedka iyo kulamada xiddiga wakhtiga soo socda.

Source link