Home Ciyaaraha Arsenal Oo Dar-Dar Galinaysa Baacsia Ay Ugu Jirto Saxiixa Ben White –...

Arsenal Oo Dar-Dar Galinaysa Baacsia Ay Ugu Jirto Saxiixa Ben White – banaadirsom

banaadirsom Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay dar-dar galiso baacsiga ay ugu jirto daafaca dhexe ee banaadirsom Brighton ee Ben White kadib markii uu xiddigu ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa.

Xiddiga 23 jirka ah ayaan ciyaarin wax daqiiqad ah intii uu socday tartanka Euro 2020 waxana si weyn loola xidhiidhinayay saxiixiisa banaadirsom Arsena.

Todobaadkii hore ayay soo bexeen warar sheegaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah oo cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca dhexe ka ciyaara.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Evening Standard, Arsenal ayaa haatan kor u qaadaysa waliba dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga reer England kadib markii uu ka soo baxay waajibaadka xulka qarankiisa.

Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga todobaadyada soo socda ka hor inta ayna kooxdu bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Source link