Home Ciyaaraha Arsenal Oo Calaamadsatay Tababaraha Ay Ku Badali Doonto Mikel Arteta, Waa Tababare...

Arsenal Oo Calaamadsatay Tababaraha Ay Ku Badali Doonto Mikel Arteta, Waa Tababare Ku Soo Guulaystay Premier league. – Banaadirsom

Arsenal ayaa la filayaa inay ka fekerto inay Mikel Arteta ku beddesho tababarihii hore ee Chelsea iyo Inter Milan Antonio Conte.

Arteta ayaa Arsenal ku hogaamiyay koobkii 14-aad ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay laakiin Gunners ayaa kaalinta 8-aad ku dhamaystay xilli ciyaareedkii hore.

Xilli ciyaareedkan ayaa sidoo kale Arsenal si xun ugu bilowday kadib markii ay guuldaro 2/0 ah kala kulantay Banaadirsom Brentford taas oo shaki ku tuurtay mustaqbalka tababaraha ee Arsenal.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, Arsenal ayaa Doonaysa in ay u dhaqaaqdo tababare Conte hadii Ay shaqada ka caydhiyaan Mikel Arteta iyada oo sidoo kale conte Emirates keeni doono xiddiga Lautaro Martinez.

Conte ayaa chelsea kula guulaystay Premier League xilli ciyaareedkii 2016/2017 halka uu sidoo kale xilli ciyaareedkii hore Inter Milan kula guulaystay Horyaalka Serie A-da.

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link