Home Ciyaaraha Arsenal Oo Barcelona Ka Calaamadsatay 3 Xiddig Oo Ay U Dhaqaaqi Karto...

Arsenal Oo Barcelona Ka Calaamadsatay 3 Xiddig Oo Ay U Dhaqaaqi Karto Si Ay Uga Qayb Noqdaan Heshiiska Ay Barcelona Ku Doonayso Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Banaadirsom Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay calaamadsatay 3 xiddig oo ay u dhaqaaqi karto suuqa xagaagan laguna dari karo heshiiska ay Barcelona ku doonayso weeraryahanada Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Banaadirsom Barcelona ayaa doonaysa in ay weeraryahan cusub la soo saxiixato suuqa xagaagan waxana lala xidhiidhinayaa xiddigaha Banaadirsom Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Dhanka kale Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga waxana uu diyaar u yahay in uu iska fasaxo xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Sida laga soo xigtay wargayska Sports Arsenal ayaa calaamadsatay xiddiaha Martin Braithwaite, Miralem Pjanic iyo daafaca dhexe ee Samuel Umtiti si ay ugu hesho heshiiska ay Barcelona ku doonayso xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette.

Xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ayaa seegay kulankii Arsenal ee ugu horeeyay horyaalka premier League waxana la filayaa in ay mar kale seegaan kulanka chelsea ee Axada.

Source link