Home Ciyaaraha Arsenal Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Rangers Xilli Saxiixooda Cusub Ee Nuno...

Arsenal Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Rangers Xilli Saxiixooda Cusub Ee Nuno Tavares Furtay Akoonka Goolasha Arsenal. – banaadirsom

banaadirsom Arsenal ayaa bar-baro la gashay banaadirsom Rangers kulan ka tirsanaa kulamada isku diyaarinta banaadirsom ee xilli ciyaareedka cusub kulan ka dhacay garoonka Ibrox Staduim.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Mikel Arteta shaxdiisa ku bilaabay shaxiixiisa cusub ee Nuno Tavares kaas oo markii ugu horaysay kulan u ciyaaray Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray banaadirsom.

Sidoo kale Arteta ayaa shaxdiisa u kala qaybiyay xiddigaha kooxdiisa isaga oo daqiiqado siiyay dhamaan xiddigihii uu tababarka siiyay todobaadyadii ugu dambeeyay.

banaadirsom Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyada oo uu Aubameyang khasaariyay fursad cajiib ah oo ay heshay banaadirsom Arsenal.

Daqiiqadii 14-ad ayay Rangers ku hor martay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Leon Balogun kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib gool madaxa ah oo uu dhaliyay.

Laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii 23-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nuno Tavares kaas oo kulankiisii ugu horeeyay gool ugu dabaal dagay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo ay Labada kooxood ku kala  bexeen bar-baro iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Rangers ayaa mar kale daqiiqadii 75-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta ku hor martay gool iyaga oo uu u dhaliyay xiddig Cedric Itten kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Arsenal ayaa daqiqiadii 83-aad dhalisay goolka bar-baraha iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Eddie Nkeitiah kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 2/2 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal bar-baro la gashay banaadirsom Rangers kulankoodii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Source link