Home Ciyaaraha Arsenal Oo Albaabka U Garaaceysa Barcelona, Xiddig Suuqa Laga Heli Karo Ayay...

Arsenal Oo Albaabka U Garaaceysa Barcelona, Xiddig Suuqa Laga Heli Karo Ayay Ka Wareysteen – banaadirsom

Arsenal ayaa ka wareystay dhigooda Barcelona in xagaagaan la heli karo xiddigooda Serginho Dest

Dest ayaa ka mid ah ciyaartooyda Barcelona ee loo badinayo in xagaagaan ay baxayaan xilli Barcelona ka fikarayaan  yareynta qarashaadka mushaaraadka sababa la xariira dhibaato dhaqaale ee uu xanuunka karoonaha ku reebay

Wargeyska Sport ayaa soo xiganeysa in Arsenal toos ula xariireen Barca kana wareysteen xaaladda Dest  lamana helin jawaabta ay bixiyaan banaadirsom ka dhisan Camp Nou

Arsenal ma aha markii ugu horeeysay ee  ay soo damaaciyeen garabkaan oo waxaa la xaqiijiyay in ay sidaas oo kale ay sameeyeen dhamaadki xili ciyaareedkii hore.

Dhowr koox kale ayaa isha ku haya 20 sano jirkaan waxaana ka mid ah Bayern Munich iyo Inter Milan

Qiimaha suuqeed ee Dest waxaa lagu sheegay 30 milyan oo euro xilli la xusuusan yahay in 26 milyan ay Barcelona ku soo iibsadeen Octoberti hore

Source link