Home Ciyaaraha Arsenal Mise Man United? Kieran Trippier Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo...

Arsenal Mise Man United? Kieran Trippier Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xilli Atletico Madrid Suuqa Dhigtay Xiddiga. – Banaadirsom

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Kieran Trippier ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay ku biirista Man United halkii uu ku biiri lahaa Arsenal xilli ay Atletico Madrid diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga inta uuna xidhmin suuqa xagaagan.

Xiddiga reer England ee Trippier ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Premier League inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo Xiddigii hore ee Tottenham uu labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay La Liga la joogay Atletico Madrid.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda suuqa ugu jirtay saxixia daafaca Cusub ee midig xilli uu Hictor Bellerin doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa xiddiga reer England si ay ula tartansiiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka xilli ciyaareedkan haatan bilowday.

Shabakada Eurosport ayaa haatan sheegaysa in ay kooxaha Arsenal iyo Man United xiiso dhab ah u qabaan saxiixa si ay u helaan saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin xiddiga Trippier ayaa iska diiday Arsenal isaga oo doorbidaya in uu ku biiro kooxda Man United halkii uu ku biiri lahaa kooxda Mikel Arteta ee dhibaatoonaysa.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link