Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta damaashaad u tagay Xeebta Liido (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xeebta Liido waqti kula qaatay qaar ka mid ah bulshada caasimadda oo halkaas u dalxiis iyo tamashle tagay.

Rooble ay la socdeen masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa socod kuusoo maray xeebta Liido oo xiligaas ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo halkaas u tagay dabaal iyo in ay waqti kusoo qaataan.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale gudaha u galay qaar kamid ah Hoteelada kuyaala xeebta Liido, waxa uuna halkaasi waqti kooban  kula qaatay qaar kamid ah dadkii Hoteeladaasi ku sugnaa.

600209e4b04fe