DHAGEYSO: Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere “Waa In La Dilaa Gudoomiyaha Gobolka…

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku baaqay in la dilo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland.

Cali Dheere oo kusugan Ceel buur ayaa sheegay in C/ladiif Muuse Nuur uu ku gefay Diinta Islaamka sidaa awgeedna meeshii lagu arko lagu toogto.

Baneynta dhiiga Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayey Al Shabaab U cuskadeen in uu diiday Aadaanka Masaajida uu dhawaan Khudbad uu jeediyey ku sheegay inuu dhibsado Aadaanka.

Wareysi laga qaaday Gudoomiye C/ladiif ayaa dhawaan sheegay in Hadalkii uu jeediyey si khaldan loo tarjumay uuna uga jeedin inuu dhib ku qabo aadaanka Masaajida.

Waxa uu ku sifeeyey biya dhaca warkii uu jeediyey in Al Shabaab lala dagaalamo oo aan la qarin ama Masaajida la xiro si dadka dhan ay guryahooda ugu tukadaan sida isaga u aadi waayey Masaajida.

  5ffb74d0849e0