Home Ciyaaraha Antonio Conte Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal, Miyuu Arteta Shaqada...

Antonio Conte Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Arsenal, Miyuu Arteta Shaqada Ka Badalayaa. – Banaadirsom

Tababaraha Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday in uu tababare u noqdo kooxda Arsenal shaqadana ka badalo Mikel Arteta kaas oo uu cadaadi weyn saaranyahay.

Kooxda Arsenal ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay laba guuldaro oo xidhiidh ah kala kulantay kooxaha Brentford iyo Chelsea iyaga oo aan waliba wax gool ah dhalin.

Kadib guuldaradii chelsea waxa soo baxay warar sheegaya in ay Arsenal ka fiirsanayso shaqada ka caydhinayso Tababare Mikel Arteta hadii uu wax ka badali waayo natiijoooyinka kooxda kulamada soo socda.

Isla wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal doonayso in ay shaqada u dhiibto tababare Antonio Conte kaas oo Chelsea kula guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Si kasta ha ahaatee Tababare Antonio Conte ayaa la sheegayaa in uu iska diiday in uu tababare u noqdo kooxda Arsenal kadib qaabkii xumaa ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka.

Antonio Conte ayaan doonayn in uu tababare u noqdo kooxda Arsenal marka loo eego xaalada adag ee ay ku jirto kooxdu inkasta oo ay 130 milyan oo euro suuqa galiyeen xagaagan.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link